Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed CumarĀ ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Itoobiya Danjire Mesganu Arega.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay wada shaqeyntooda iyo sidii loo sii wadi lahaa wada hadallada heshiiskii Ankara 11-kii bishaan la gaarey.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Doolow, iyada oo Wasiir Cali Balcad dalbaday cambaareeyay weerarkasasi, isaga oo sheegay in tillaabadaasi ka hor imaaneyso Madaxbannaanida dalka.
Wada hadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.