Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii maanta kasoo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, kaas oo lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin isbadalka geeska afrika.
Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qoraalka ka soo baxay Urur goboleedka IGAD uu yahay mid u xaglinaya dowladda Itoobiya, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay qaadacday .
Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada u dambeeyay ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Itoobiya (FDRE) iyo dawladda federaalka Soomaaliya (DFS).
Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda urur gobaleedka IGAD in gacanta lagu dhigo xaaladan, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD.