Soomaaliya oo ka mid noqondoonta dalal ciidamo nabad ilaalin ah u diraya K/Suudaan

Ciidamo ka socda dalalka gobolka oo ka tirsan nabad ilaalinta ayaa waxaa loo dirayaa Koonfurta Suudaan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ururka goboleedka IGAD.

Talabaadan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib shirkii IGAD todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasi oo dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan ay ku kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo colaada ka jirtay dalkaasi tan iyo 201-kii.

Qoraalka ka soo baxay urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Sudan iyo Uganda in ciidamo nabad ilaalin u diri doonaan Koonfurta Suudaan, si loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

War-murtiyeedka ayaa lagu yiri “Waxey go’aan ku gaartay IGAD inay kala shaqeyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in ciidama nabad ilaalinta oo ka socda gobolka si buuxda loo geeyo, si ay u fuliyaan howsha loo igmaday qaab waafaqsan qaraarada golaha ammaanka ee 2304/16 iyo 2406/18 waxaana la codsan doonaa in dib u eegis lagu sameeyo howlaha loo igmaday”.

IGAD ayaa sheegtay ciidamadan inay noqon doonaan kuwo damaanad qaada ilaalinta xasiloonida iyo amniga, iyada oo IGAD dhaqaalaha ku baxaya ciidankan ay weydiisan doonto Qaramada Midoobay.

Soomaaliya oo ay joogaan Ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika ayaa laga sugayaa inay aqbasho codsiga IGAD ee ciidamada nabad ilaalin loogu dirayo dalka Koofurta Suudaan, waxaana go’aanka ugu dambeeya yeelan doona baarlamaanka Soomaaliya, haddii ay soo jeedin ka timaado wasaaradda Gaashaandhigga.