Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa ka qayb-galay shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Istanbul, isagoo gudbiyay dalab culus oo xasaasi ah.
Daa’uud Aweys oo khudbad ka jeediyay shirka waddamada OIC ayaa ka codsaday dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aan adag ka qaadatay damaca gurracan ee Itoobiya oo xadgudub ku ah madax banaanida dalka iyo shuruucda caalamiga ah.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale.
Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday gabbood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza, maadaama kumanaan shacab ah lagu laayay halkaasi.
Shirka ayaa sidoo kale dul istaagay khatarta wararka sida khaldan loo tebiyo oo si weyn loogu adeegsadey mashaakilka ka aloosan Gaza, isla markaana qalabka warbaahinta ee dalalka reer Galbeedka ay u janjeeraan dhanka Israel, taas oo xadugudub ku ah xuquuqda aadanaha, xuquuqda xorriyatul qowlka iyo dhexdhexaadnimada looga fadhiyey saxaafadda.