Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali (Dhaay), ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka qaybgalaya Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika. Kalfadhigan oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah horumarka iyo iskaashiga qaaradda, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Sugidda Helitaanka Biyaha Joogtada ah.”
Shirkan ayaa Soomaaliya u ah fursad ay ku soo bandhigto dadaallada ay dowladdu ku horumarinayso helitaanka biyo nadiif ah iyo xoojinta adkeysiga bulshada ee la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada. Dowladda Soomaaliya ayaa kulanka ku soo bandhigaysa mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin Mashruuca Barwaaqo ee Biyaha iyo Adkeysiga Reer Miyiga, kaas oo loogu talagalay in lagu ballaariyo adeegyada biyaha, korna loogu qaado nolosha bulshada ku nool miyiga iyo deegaannada ay saameeyeen abaaraha.
Sidoo kale, wafdiga Soomaaliya ayaa soo bandhigaya hirgelinta laba ceel biyood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta qorraxda, kuwaas oo loogu talagalay in lagu kordhiyo helitaanka biyo nadiif ah oo waara. Mashruucyadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee lagu xoojinayo kaabeyaasha biyaha, yaraynta saameynta abaaraha iyo hubinta in bulshada ay helaan adeegyo biyo oo joogto ah.
Inta uu socdo kalfadhiga, Soomaaliya waxay sidoo kale si firfircoon uga qayb qaadan doontaa doodaha ku saabsan dib-u-habeynta iyo xoojinta shaqada Guddiga Midowga Afrika, iyadoo taageeraysa dadaallada lagu mideynayo aragtida dalalka xubnaha ka ah ururka. Wafdigu wuxuu ka qayb geli doonaa wada-hadallo la xiriira horumarinta ajendayaasha istaraatiijiga ah ee qaaradda, oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga, isdhexgalka dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee ay dalka ku leeyahay fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee Afrika, iyo sida ay uga go’an tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu xallinayo caqabadaha wadajirka ah ee qaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaynaysa muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka iyo kan qaaradda si loo xaqiijiyo horumar waara, amni, iyo in bulshada Afrika ay helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay ugu horreeyaan biyaha nadiifka ah.