Soomaaliya oo ka qeyb galaya shir maanta ka furmaya Magaalada Oslo

Magaalada Oslo ee dalka Norway maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo, kaasi oo ay marti gelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo shalay si heer sare ah magaalada Oslo ay ugu soo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Norway.

Shirkan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20 June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.

Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo Tanzania.

Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.