Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir maanta ka furmaya London

Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shir heersare ah oo looga hadlayo arrimaha Bani’aadanimada gaar ahaan Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Dowlado kala duwan iyo Hay’adaha gargaarka, Soomaaliya waxaa ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Nuxurka shirkan ayaa waxa uu yahay in laga hadlo Soomaaliya oo weli Abaaro daran ay ka jiraan iyo sidii Hay’adaha gargaarka ay diirada u saari lahaayeen in ay ka hortagaan walwal fara badan oo laga qabo in 2.7 Milyan qof Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin xaalado halis ah.

Shirkan oo ka furmaya xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii loo kordhin lahaa qeylo dhaanta loo sameynayo Soomaaliya iyo sidii loo qorsheyn lahaa deeqaha Soomaaliya ee 2018-ka.

Magaalada London xalay waxaa ka dhacay kulan horudhac ah oo ay isku arkeen wafdiga Dowladda Soomaaliya shirkan ku metelaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ingiriiska, waxaana ay kulankooda uga hadleen sidii Soomaalida London ay gacan uga geysan laheyd shirkan, ayna walaalahooda ku taageeraan wixii ay aboodaan.

Sanadkii la soo dhaafay gurmad xoog badan oo ay sameeyeen bulshada caalamka iyo Soomaalida ayaa waxaa laga hortagay dhibaatooyin badan, sidoo kale waxaa la badbaadiyay nolosha dad badan.