Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha Dakar2 oo looga hadlayo Waxsoo-saarka Qaarada Afrika kaasi oo dhacay Dalka Senegal.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow oo magaca Soomaaliya matalaya ayaa si mug leh uga qayb-galay shirwaynaha Dakar 2 oo ay marti ku ahaayeen in ka badan 20 madaxda ugu sareysa Dowladaha Africa Ah, Deeq-bixiyaasha daneeya arrimaha waxsoosoosaarka Africa, bandhiga hormarinta Africa Iyo Dowladda Senegal Oo lahayd marti galinta shirka.

Wasiir Axmed Baashi oo khudbad ka jeediyay shirkaas ayaa yiri “Dowladda Soomaliya waxay mihiimada koowaad siinaysaa hormarinta koboca waxsoosaarka dalka, gaar ahaan dhanka isku filnaanta cuntada iyo waraabka, Waxaana diyaarinay qorshe dhammaystiran oo 5 sano Ah, kaas oo xajiinaya in la xaqiijiyo sugnaan cunto oo rasmi Ah iyo in maalgalin loo helo waxsoosaarka dalka”.