Soomaaliya oo Ka Qeybgeli doonta Shir ku saabsan dagaalka Daacish

Shir looga hadlaayay dagaalka Kooxda Daacish ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Mareykanka, waxaana shirkaasi soo xiray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Cabdulqaadir Axmed-Kheyre Cabdi Wasiir dowladdaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka qeybgalay Shirkaasi ayaa sheegay in looga hadlaayay sidii Soomaaliya iyo dalalka kale looga caawin lahaa dagaalka Daacish.

Waxaa uu sheegay in ay soo bandhigeyn qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aadan dagaalka Kooxda Daacish ee ka socda degaanada maamulka Puntland iyo Agagaarka Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay uga guuleysan laheyd Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.