Soomaaliya oo laga hirgelinayo mashruuc ay ka faa’iideysanayso 2.5 milyan qof.

Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Denmark iyo Qaramada Midoobay ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinaya mashruuc ay ka faa’iideysanayaan 2.5 milyan qof.

Mashruucan oo lagu dhisayo biyo xireen aad u ballaaran ayaa waxaa shir lagu dardar-gelinayo guddoomiyey madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay wasaarradaha beeraha iyo waraabka, tamarta iyo kheyraadka biyaha heer federal iyo kuwa HirShabelle.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.