Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan labo-maalin ah oo lagu daah-furayay laguna soo bandhigayay Mashariicda Qaran ee Maalgashiga. Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu horumarinayo soo jiidashada maalgashiga dalka, isla markaana lagu muujinayo fursadaha ballaaran ee ka jira Soomaaliya.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, ganacsato, jaamacado iyo maalgashadayaal caalami ah. Ka qeyb galayaashu waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida loo horumarin karo jawi maalgashi oo hufan oo la isku halleyn karo.
Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya si rasmi ah u soo bandhigto mashariic qaran oo maalgashi, kuwaas oo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee bandhigyada mashariicda maalgashiga. Mashariicdan ayaa maalgashadayaasha siinaya xog iyo macluumaad faahfaahsan oo ay ku gaari karaan go’aamo maalgashi oo ku saleysan xog sugan iyo faham cad oo ku saabsan fursadaha dalka.
Ujeeddooyinka kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa: soo bandhigidda mashariicda qaran ee maalgashiga ee waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2029), soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo abaabulka maalgashi maxalli ah, sare u qaadidda kalsoonida maalgashadayaasha, iyo isu soo dhoweynta hay’adaha iyo shakhsiyaadka horumariya mashariicda iyo maalgashadayaasha.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax, oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in daah-furka mashariicdan uu muujinayo isbeddel xooggan oo ku yimid horumarka dhaqaalaha dalka. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka guureyso ku tiirsanaantii deeqaha, isla markaana ay u gudbayso hannaan horumar dhaqaale oo ay hoggaaminayaan maalgashiga.
Wuxuu sidoo kale xusay in marka la is-waafajiyo mashariicdan qaran ee maalgashiga, Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo heerarka suurtagalnimada maaliyadeed, ay maalgashadayaasha gudaha iyo dibadda u caddeyneyso in dalka uu leeyahay nidaam horumarineed oo cad, hufan isla markaana lagu kalsoonaan karo.
“Mashariicdan ma aha oo kaliya fursado maalgashi oo faa’iido laga heli karo, balse waxay sidoo kale qeyb muhiim ah ka yihiin casriyeynta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Agaasimaha Guud.
Dhankiisa, Agaasimaha Hay’adda SOMINVEST, Mudane Maxamed Dhubow, ayaa sheegay in hindisahan loo diyaariyey si maalgashadayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ay u helaan fursado maalgashi oo saameyn togan ku leh qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, sida tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kheyraadka badda.
Wuxuu intaa ku daray in SOMINVEST ay xoogga saarayso yareynta khataraha mashariicda, hubinta daahfurnaanta, iyo in la xaqiijiyo in mashariicdu yihiin kuwo sharciyad adag ku dhisan isla markaana si degdeg ah loo maalgelin karo. “Fariinta aan dunida u direyno waa mid cad: kaalaya oo sahmiya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, SOMINVEST ayaa loo igmaday dhiirrigelinta, soo jiidashada, fududeynta iyo taageeridda maalgashiga caalamiga ah iyo midka maxalliga ah, iyadoo sidoo kale ka shaqeyneysa hagaajinta sumcadda iyo muuqaalka dalka si loo xoojiyo jawiga maalgashiga Soomaaliya.