Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa ka guddoomay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar safiir oo cusub oo dowladahooda u soo magacaabeen Soomaaliya.
Safiirrada cusub ee waraaqaha aqoonsiga gudbiyay ayaa kala ah Dr. Madou Diallo, Safiirka Jamhuuriyadda Mali; Danlami Ibrahim, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria; Marwo Aqsa Nawaz, Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan; iyo Aung Min, Safiirka Jamhuuriyadda Midowga Myanmar.
Gudbinta nuqullada waraaqaha aqoonsiga ayaa si rasmi ah u astaynaysa bilowga waajibaadka diblomaasiyadeed ee safiirrada cusub ee Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ansixisay magacaabistooda.
Intii ay socotay munaasabadda, Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay safiirrada cusub, isaga oo u rajeeyay inay si guul leh u gutaan waajibaadkooda diblomaasiyadeed inta ay Soomaaliya ku guda jiraan.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka ay safiirrada cusub matalaan, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Soomaaliya iyo dalalka Mali, Nigeria, Pakistan iyo Myanmar ayaa leh fursado iskaashi oo dhinacyo badan ah, waxaana la filayaa in safiirrada cusub ay kaalin ka qaataan horumarinta xiriirrada siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo kuwo kale oo labada dhinac dan u ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka, iyadoo mudnaanta la siinayo iskaashi ku dhisan danaha labada dhinac, ixtiraamka madax-bannaanida iyo horumarinta xiriirrada saaxiibtinimo ee Soomaaliya la leedahay dowladaha kale.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah howlaha diblomaasiyadeed ee joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirrada ay la leedahay dalalka Afrika, Aasiya iyo guud ahaan caalamka.