Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheikh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-2024), kaas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU).
Shirkan oo lagu qabtay magaalada Kambaala ee dalka Yugandha, ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheikh ayaa kulan duceedyo waxa uu la yeeshay madaxda Hay’adaha Isgaarsiinta ee qeybta ka ah shirka, isaga oo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adaha ay madaxda u yihiin.