Tallaabadan ayaa ah mid muujinaysa sida Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay casriyeyso Tiknology-yadda Gaadiidkeeda, Duulista Rayidka iyo xoojinta Ganacsiga Gobolka.
Maalin-nimadii Shalay, ayaa Magaalada Cotonou ee Caasimada Dalka Benin looga dhawaaqay Ku biiritaanka Rasmiga ah ee Soomaaliya iyo kamid noqoshadeeda Barnaamijka Siyaasadda Gaadiidka Afrika (SSATP) iyada oo Munaasabaddaasi uu khhudbad ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Bashiir Macalin Cali Xasan oo hogaaminaya Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalayay Shirka.
Agaasimaha Guud ayaa Carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’antahay Horumrinta Teknoolojiyadda Gaadiidka, Balaarinta iyo Casriyeenta Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha Dalka, Sare u qaadista nidaamka Duulista Rayidka iyo xoojinta isku xirka gobolka iyo skaashiga Afrika.
Waxaa sidoo kale Khudbaddiisa, ugu mahadceliyay hoggaanka SSATP iyo dalalka xubnaha ka ah, wuxuuna ku adkeeyay xoojinta iskaashiga Dalalka Africa si loo helo xal waara oo waxtar u leh gaadiidka.
Kamid noqoshada Soomaaliya ee SSATP waxay si buuxda ula jaanqaadaysaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya iyo dadaallada isku xirka gobolka, gaar ahaan Urur-goboleedka Bariga Afrika (EAC) iyo Suuqa Xorta ah ee Ganacsiga Afrika (AfCFTA).
Waxay tallaabadan Soomaaliya ka dhigi doontaa xarun ganacsi oo muhiim ah, taasoo fududeynaysa isku socodka badeecadaha iyo dadka, isla markaana xoojinaysa xiriirka dhaqaale ee gobolka.
Hoggaanka Soomaaliya ayaa aaminsan in iyada oo lays-kaashanayo si wadajir ah looga wada shaqeeyo Siyaasadaha horumarineed ee Technology-adda Gaadiidka, Maal-gashiga Jidadka, Garoomada iyo Dakadaha iyadoo la dhisayo nidaam Gaadiid oo casri ah, wax-ku-ool ah, lagana faa’iideysto Tiknology-yadda Casriga ah.




