Soomaaliya oo Wada Dadaalo Ka Dhan Ah Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo diblumaasiyadeed oo ka dhan ah damaca dowladda federaalka ee Itoobiya ee ku doonayso Badda Cas, oo marin muhiim u ah isusocodka dhanka dhaqaalaha.

January 1, 2023-ka magaalada Addis waxaa ka dhacay is-afgarad ay wada galeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo sheegaya in dowladda Itoobiya laga kiraynayo dekadda Saylac halkaas muddo 50 sano.

Tallaabada uu qaaday Muuse Bixi Cabdi ayaa noqotay mid ka carreysiisay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana durbadiiba ka soo baxay go’aanno iyo digniino isdaba joog ah oo ka soo kala baxay Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Golaha Wasiirrada oo yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa waxa ay soo saareen qaraar ay kaga soo horjeedaan tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Muuse Bixi Cabdi, si lamid mudanayaasha labada Aqal ee BFS ayaa dhankooda soo saaray qaraar uu markii dambe saxiixay Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Saacado ka dib Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu qadka taleefan kula hadlay Madaxweyanha dalka Masar iyo Amiirka dalka Qatar, si lamid ah Madaxweynaha ayaa qadka taleefonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga.

Madaxdaan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u muujiyey garab istaag iyaga oo sheegay in ay ilaalinayaan madaxbanaanida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale cambaareen xadgudubka ay sameysay dowladda Itoobiya.

January 8, 2024-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki, isaga oo kala hadlay damaca dowladda Itoobiya.

Safarka ka dib Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay  ayaa January 10, 2024-ka waxa uu oo khadka taleefanka kula hadlay Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo uu kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Si la mid ah Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan waxa uu la yeeshay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha caalamka, isaga oo kala hadlay is-afgaradka dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Bixi.

Qaar ka mid ah ururada caalalmka iyo kuwa gobolka ayaa cambaareeyey tallaabada ay qaaday dowladda Itoobiya, dowladaha Mareykanka, Shiinaha iyo Ingriiska ayaa dhankooda ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo madaxbanaaniada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dadaalladaan diblomaasiyadeed ee  ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah madaxdii hore ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo dowladda ku taageeray tallaabadaan.