Soomaaliya oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ka dalbatay kulan degdeg ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay warqad codsi ah oo la xiriira in si degdeg ah kulan u yeeshaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururkaan oo ay Xubin ka tahay si ay uga hadlaan tallaabadii sharci-darrada ahayd ee Itoobiya ku samaysay Soomaaliya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in kulankaan looga hadli doonno cawaaqib xumada ka dhalan karta xadgudubka Itoobiya ay samaysay.

Ilyaas ayaa sheegay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta looga baahan yahay in ay arrintaan ku wajahaan mowqif midaysan oo lagu garab istaagayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tallaabada Itoobiya ku samaysay Soomaaliya oo ah mid meel ka dhac ku ah madaxbannaanida & wadajirka in loo baahan yahay in meelo kala duwan cadaadis laga saaro si xaqiiqada loo taabsiiyo.

Heshiiskii sharci-darrada ah ee Itoobiya la gashay Maamulka Somaliland ayaa keenay cadaadis iyo culays xooggan oo Xukuumadda Addis la saaray waxaana kahor yimid oo Ururro iyo waddamo xubno ka ah Qaramada Midoobay.