Laba dhalinyaro ah oo ka tirsanayd Alshabaab oo iskusoo dhiibay Ciidamada Dowlada.

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa waxaa la sheegay inay Maanta isku-soo dhiibeen labo Xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Labada xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh Xamse iyo Cabditaax Aadan Abiikar Ibnu-Dayib, kuwaas oo muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, kana yimaadeen furimaa dagaalka ee dhinaca degaanka Caad.

Raggaan oo Warbaahinta kula hadlay degmada Xarardheere ayaa waxaa ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaato ay sheegeen inay dadka ku hayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli katirsan Al-Shabaab ,kuwaas oo ka barbar dagaalamaya inay isaga soo tagaan, isla markaana isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee soo dhaweeyay labada Xubnood ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in raga wel katirsan Al-Shabaab isa soo dhiibaan aysan soo dhaweyn doonaan.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen Gobolada dalka ayaa waxaa soo batay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya