Taageere England Ah Oo Jesse Lingard Kula Kulmay Qolkiisa Kadib Markii Lagu Qalday Timo-Jare Uu Xiddiga Reer England Sugayay Ka Hor Kulanka Italy.

Taageere England ah ayaa nasiib u yeeshay inuu qolkiisa Hotel-ka kula kulmo xiddiga Man United Jesse Lingard kadib markii hawlwadeenada hotel-ka iyo maamulka FA-ga ay ku qaldeen timo-Jare uu sugayay xiddiga reer England.

Lingard iyo ciyaartoyda kale ee England waxey joogaan Grove Hotel oo ku yaala Watford ka hor kulanka ay caawa la ciyaarayaan Italy, waxaana lagu soo waramayaa in Rashford iyo Lingard ay sugayeen timo-jare iyagoo isugu yimid hal qol si ay inyar oo hawo ah u qaataan.

Sida la sheegay taageeraha waxaa soo gudbiyay laamaha amaanka Hotel-ka iyo sidoo kale maamulka FA-ga oo banaanka Hotel-la ka hor inta uusan tagin qolka uu daganaa Jesse Lingard.

 

Muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka Hotel-ka ayaa lagu ogaaday inuu taageeraha gaaray qolka isla markaana uu garaacay isagoo u sheegaya Lingard inuu yahay adeege.

Lingard ayaa si cod dheer ku yiri: “Soo Gal” ka hor inta aan la weydiin waxa uu ahaa, xidiga Man United ayaa salaamay taageeraha wuxuuna qolka fadhiyay ugu yaraan 10-daqiiqo sida warbixinada qaar sheegayaan ka hor inta uusan imaan timo-jarahii saxda ahaa.

Booliiska ayaa soo wacay ciyaartoyda, balse nasiib wanaag wax dambi ah looma sheegin oo ka dhan ah taageeraha.