Taagerayaasha Man United Oo Durba Barta Twitter-ka Kusoo Bandhigay Jaceylka Ay U Qabaan Iney Liverpool & Man City Ka Haraan Champions League.

Jamaahiirta Manchester United ayaan jecleysan in isku aadka Champions League waeegiisa quarter final-ka ay isku beegmaan kooxaha Liverpool & Manchester City, iyagoo ka xun in mid ka mid ah ay gaari doonto semi final-ka tartanka.

Bara twitter-ka oo ah meesha ugu badan ee fikradaha lagu wadaago ayaa lagu arkay dhawr taageerayaal Red Devils ah kuwaas oo doonaya qaarkood in labada kooxoodba ay lumiyaan kulanka si ay u wada haraan, balse waa wax aan dhici karin.

“Waxaan rajeynayaa iney labaduba lumiyaan” Waxaa soo qoray Khaludi qof kusoo qortay barta twitter-ka.

Hope they both lose?

“Miyaan ku faraxsanahay in City ama Liverpool ay hubanti u tahay in mid la reebayo, ama miyaan la niyad jabsanahay in mid ka mid ah ay hubanti u tahay iney semi final-ka tartanka tageyso? Sidaas waxaa soo qoray Sutart Bramley.

Am I glad that one City or liverpool are guaranteed to get knocked out or am I disappointed that one of them is guaranteed to be in the semis?

“Waxaan rajeynayaa iney labaduba si uun u lumiyaan” waxaa soo xariqiay Steve Jarvis qof ku isticmaala Twitter-ka.