Ururka Saxafiyiinta Galmudug (GALJA), oo kaashanaya Xafiiska Taageerada QM ee UNSOM gaar ahaan xafiiska Xuquuqda Aadanaha iyo Hay’adda UNICEF, ayaa maanta soo Qabanqaabiyay Tababar labo Maalmood Soconaya oo ay ka Qeybgalayaan 25-Suxufi oo ka mid Wariyaasha ka Howlgala Gobolka Mudug.
Tababarkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayo doorka Warbaahintu ku leedahay wax ka qabashada Takoorka ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb-sooco.




