Tababar Socondoona muddo seddex maalin ah oo loo qabtay gudiyo ka socda Ururada Bulshada rayadka ee ku dhaqan Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Tababar Socon doona muddo seddex maalin ah ayaa loo qabtay gudiyo ka socda Ururada Bulshada rayadka ee ku dhaqan Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kaasi oo ku saabsanaa kor u qaadida ogaalka dadweyne iyo wacyi galin la xariirta lahaanshaha iyo dhowrida Dhismayaasha Mashaariicda Hormarineed ee danta guud, sida dhismaha Suuqa weyn iyo Waddada Garoonka diyaaradaha, oo maalgalinteeda bixisay Midowga Yurub isla markaasina ay fuliyeen Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dowlada Federalka Soomaaliya.

Kulankaan aqoonkorarsiga ah waxa kasoo qeyb galay oo furay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Caasimada Dhusamareeb C/samad Salaad aadan ayaa kula dardaarmay Gudiyada Ururada Bulshada rayadka ah in ay ka faa,iideysaan tababarkaan mudada uu socdo, maadaama ay yihiin kuwa lagu wareejin doono Dhismayaasha Mashaariicda hormarineed, masuuliyad gaar ahne ay ka saaran tahay illaalinta iyo badqabka Mashaariicdaasi taasi uu ku tilmaamay Gudoomiyuhu in ay tahay xalalka waara mustaqbalka dhow iyo kan fog.

Ugu dambeyntii Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Caasimada Dhusamareeb C/samad Salaad aadan oo sii hadlayey ayaa u mahadceliyey midowga Yurub oo bixisay maalgalinta Dhismayaasha Mashaariicda Hormarineed ee danta guud, fulinteedane ay iska kaashadeen Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dowlada Federalka Soomaaliya.