Tababare Antonio Conte Oo Aan Kalsooni Ku Qabin Inuu Shaqadiisa Kooxda Ku Badbaadin Karo Hanahada Koobka FA Cup.

Tababare Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in shaqada kooxda laga ceyrin karo xitaa hadii uu ku guuleysto koobka FA Cup, taasoo ka dhigan inuusan macalinka reer talyaani dareensaneen inuu sinaba u badbaadi doono.

Blues ayaa maanta la ciyaareysa dhigeeda Red Devils kulanka kama dambeysta ah ee koobka FA Cup, waxaana la fahamsan yahay inuu kulanka Wembley noqon karo kii ugu dambeeyay uu maamulo kooxda ka dhisan galbeedka London.

Antonio Conte wuxuu aqbalay durba in ku guuleysiga koobka FA Cup-ka aysan kaga filnaan doonin inuu badbaadsado shaqadiisa maadaama ay gabeen iney kasoo qeyb galaan koobka horyaalada yurub ee Champions League.

“Sida aad xog-ogaal u tahay, shaqadeena wey dhib badan tahay, mararka qaar waad guuleysan kartaa balse kooxda ayaa leh go’aanka shaqo ka ceyrinta, si kastaba waxaa jirta sabab ay sidaas u sameeynayaan” ayuu yiri Antonio Conte.

“Waxaa jira dad kale oo xukminaya shaqadaada, ku xukminaya fasal ciyaareedka” ayuu mar kale yiri Antonio.

“Uma maleynaayo inaan noqon karo shaqsi ku saxan inuu yiraahdo: “Hagaag, hadii aan ku guuleysano waxaan qorsheynayaa xaaladaan, ama hadii aanan ku guuleysan waxaan qorsheynayaa xaalad kale”, ma xiiseynayo midaas. Kaliya waxaan xiiseynayaa inaan ku guuleysto finalka, taasina waa midda noogu muhiimsan aniga iyo ciyaartoydaba”