Tababare Antonio Conte Oo Mar Kale Sharraxay Sida Ay Maamulka Chelsea Lugta Ugu Leeyahiin Fashilka Ay Dhexda Kaga Jiraan Xilli Ciyaareedkana.

Tababare Antonio Conte ayaa mar kale si fiican u sharraxay sida ay maamulka Blues ugu lug leeyahiin fashilka ay kooxda dhex fadhiso xilli ciyaareedkaan, iyadoo ayba jirto hadla heyn ah inuu isaga dhaqaaqayo garoonka Stamford Bridge marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan.

Macalinkaan dhawr jeer ayuu si toos ah u weeraray siyaasadda kooxda ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kadib markii loo fulin waayay dhawr bartilmaameed oo uu lahaa xagaagii laga soo gudbay.

Sida la ogyahay maamulka waxey ku fashilmeen iney lasoo saxiixdaan qaar ka mid ah xidigahii uu doonayay Conte sida Alex Sandro iyo Leanardo Bonucci.

Dhibaatadii u dhaxeysay Maamulka iyo Conte ayaa la fahamsan yahay iney cirka isku sii shareertay jimcadii kadib markii uu mar kale soo hadal qaada.

“Hadii aad xusuusato xilli ciyaareedkii hore waxaan ku guuleysanay horyaalka, waan kugu celinayaa xilli ciyaareedkii hore horyaalka ayaan ku guuleysanay, waadna aragtay bartilmaameedkeena suuqa kala iibsiga” ayuu yiri Antonio Conte.

“Waxaan u maleynayaa ineysan aheyn wax muhiim ah hadii aad joogtid Champions League, si kastaba ku dhameysashada afarta sare waxaa hubaal ah iney saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka xidigaha Hazard iyo Courtois. Kuwas oo u muuqda kuwa doonaya iney ka tagaan kooxda hadii Chelsea aysan ciyaareynin Champions League”

“Ha iloobin kooxda waxey ku dhameysatay kaalinta 10-aad, iyadoo ciyaartoydii markaas joogay ay go’aansadeen iney sii joogaan laba sanadood ka hor, miyey hadda isha ku hayaaniney baxaan? Ma garan karo. Waxaan u maleynayaa iney tahay su’aal aan aniga i khuseynin”