Tababare Jorge Sampaoli Oo Xambaaray Masuuliyadda Guuldaradii Xasuuqa Aheyd Ee Ay Argentina Kala Kulantay Spain.

Tababaraha xulka Argentina Jorge Sampaoli ayaa xambaaray masuuliyadda wixii xalay ka dhacay garoonka Wanda Metrapolitano markaas oo qaranka Argentina ay guuldaro xasuuq ah kala kulmaan Spain.

La Roja ayaa ciqaab aan caadi aheyn tusisay La Albiceleste kulan kusoo dhamaaday 6-1, kalsoonidii qaranka Argentina ee koobka Aduunka ayaa mar kaliya god lagu riday markii lagu jajabsaday ciidda Spain.

“Aniga ayaa qaadanaya masuuliyadda goolasha, ha tilmaamina ciyaartoyda” ayuu yiri Jorge Sampaoli oo la hadlayay saxaafadda.

“Farqiga labada dhinac ma aheyn mid u weyn sida natiijada”

“Waa inaan wax ka barano, ma dhici doonto koobka Aduunka”

Dhanka kale Sampaoli wuxuu ka hadlay maqnaashaha Lionel Messi isagoo qiray inuu dareemayay daal badan.

“Messi wuu nala tababartay, balse wuxuu dareemay daal mana ciyaari karin”

“Dhamaan waqtigiisa oo dhan kooxda ayuu la joogay sababtoo ah waa mid doonaya inuu la falgalo koobka Aduunka”