Tababarihii Hore Real Madrid Bernd Schuster Oo Ka Warbixiyay Sida Uu Isugu Dayay Lasoo Saxiixashada Iniesta, Iyo Saddex Ciyaartoy Kale Kahor Inta Aysan Ku Biirin Barcelona.

Tababarihii hore kooxda Real Madrid ee reer Germany Bernd Schuster ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayay inuu la soo saxiixdo seddex ciyaaryahan ka hor inta aysan ku biirin Barcelona.

Hadalkan kasoo yeedhay Bernd Schuster ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii uu kaga hadlay buugiisa cusub uu ugu magac daray “Jacaylka Waa Arigtida Koowaad” kaasoo uu kaga sheekeeyay noloshiisa gudaha iyo dibada kubadda cagta.

 

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu soo xigtay qeyb ka mid ah buuga Bernd Schuster kadib markii uu yidhi: “Waxaan doonayay magacyada Dani Alves, David Villa iyo Cesc Fabregas oo xiligaas ku kala sugnaa kooxaha Sevilla, Valencia iyo Arsenal, sida ay kala horeeyaan”.

Waxaa intaas lagu sii daray: “Waxaa sidoo kale jiray warar ku saabsan Andres Iniesta, oo qandaraaskiisa kooxda Barcelona lagu qiyaasay in lagu burburin karay aduun dhan 50 milyan euro, laakiin fikradahaan waa la iska indho tiray”.