Tabriibayaal lagu qabtay xeebaha soomaaliya.

Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada  ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee maamulka Jubbaland.

Booliska Jubbaland ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku soo xireen 13 qof oo afar ka mid ah ay kuwii dhalinyarada tahriibinaayey yihiin, halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey.

Laba ka mida dadkii la tahriibinayey ayaa haatan ku xiran deegaanka Bilis-Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Taliye ku xigenka qaybta danbi baarista ee booliska Jubbaland L/Xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Maalmihii lasoo dhaafay sidaan oo kale guri ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo qabtay rag muqalasiin ah oo dhalinyarada tahriibi jiray iyo koox dhalinyaro ah oo qorsheynayey inay dalka isaga baxaan oo tahriib khatar ah galaan.

Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u dhaadhiciyey muqalasiintii, waxaana la sheegay in la maxkamadeynayo maalmaha soo socda, markii ay soo dhamaadaan baaritaanada ku socda.

Si loo marin habaabiyo qofka, marka hore waxaa la sheegay in dhalinyarada ay safarkooda qurbaha ka siinayaa tilmaamo muujinaya inay Yurub ku geli karaan si fudud, balse markii ay dalka ka bixiyaan ay geynayaan dalka Liibiya, halkaas oo xabsi iyo jirdil ay ku mari doonaan, ilaa qoysaskooda ay ka soo diraan lacago u dhaxeeya 8 ilaa 10 kun oo dollar.