Tahriibayaal Ku Geeriyooday Dooni Ku Degtay Xeebaha Turkiga.

Wakaalladda Wararka ee ANADOLU ayaa sheegtay inay 9 Qaxooti ah ku geeeriyoodeen dooni saakayto cillad ku qabsatay meel ka baxsan Xeebta Degmadda loo dalxiis tago ee Demre ee  Gobalka ANATALYA ee Koonfurta dalka Turkiga.

15 Tahriibayaal ayaa la sheegay inay socdeen Doonidaasi nooca dheereeya, iyagoo doonayey inay galaan dalka Giriigga.

Dadka geeriyooday ayaa kala ahaa 2 nin, Haweeney iyo 6 carruur ah. Iyadoo hal qof raqdiisa iyo ruuxiisa lagu la’ yahay Badda, waxayna Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha iyo Kalluumeysato soo badbaadiyeen 5 Tahriibayaal.

Tahriibayaashaasi waxay ku haminayeen inay dhinaca Badda ka galaan dalka Giriigga, si ay uga sii gudbaan dalalka Galbeedka Yurub.

Lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan Tahriibayaasha geeriyootay iyo kuwa laga soo badbaadiyey Doonida ku degtay Xeebaha Turkiga.