Taliska Boliiska AMISO Oo kormeeray Xarumaha doorashooyinka

Taliyha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland Col.Maxamed Naasir  oo uu wehlinayay iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa waxaa ay Maanta booqdeen howlka la filayo in lagu qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Xarunta lagu qabanayo doorashada ayaa ku taalla kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka Dowlad goboleedka Jubbaland Ex-Caymiska ee Magalada Kismaayo.

Sarakiishaan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan e Howlka Xarunta oo ay amaankeeda siwadajir ah u ilaalinayaan Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa Booliska AMISOM ee ku wada sugan Kismaayo.

Qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland gaar ahaan midowga musharixiinta ayaa horay u dalbaday in sugida Amniga halka lagu qabanayo doorashada ay qeyb ka ahaadaan ciidamada AMISOM.