Taliska Boliiska Kismaanyo Oo Amaro Ku Soo rogay Gadiidleyda Magaaladaasi

Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ee Magalada Kismaayo Gaanshaalle dhexe Bashiir Xiis Khaliif ayaa amar dhinaca sharciga ah kusoo rogay Gaadiidka ka Shaqeeya Magaaladaas.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Kismaayo ayaa Darawalada Gaadiidka ka Shaqeeya Magalada Kismaayo ku amray in aan la arki karin Gaari Taariko la,aanta ah oo ka Shaqeynaya wadooyinka magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa digniin adag u direy dadka sida sharci darada ah ku wata Baabuurta aan Taarikada lahayn,waxa uuna ugu baaqay in cid kasta oo kagu arkaa,iyada oo wadata gari taariko la’aan ah sharciga la horkeeni doono.