Taliska Boliiska Oo Sheegay in Uu Xilkii kaqaaday Taliyihii Saldhig Degmada Boondheere

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa ku dhawaaqay go’aamo cusub oo ku saabsan Bandowga Saaran Caasimadda.

Taliyaha ayaa sheegay in uu xilka ka qaaday taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Boondheere oo xalay dad Shacab ah Ciidanka uu xukumaa degmada Boondheere ay ku dileen.

Waxaa uu xusay in Bandowga Saaran Caasimadda lagu celiyay 8:00 habeenimo , islamarkaana hal saac dib loo dhigay.

Dadweynaha Caasimadda ayuu ugu baaqay in ay is dejiyaan, islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Xijaar ayaa ugu dambeyntii sheegay in Bandowga uusan sameyn doonin Shaqsiyaadka Wadada Maraya, Goobaha Caafimaadka iyo dukumaada Cuntada lagu iibiyo sidoo kalena dadweynaha ay socon karaan xilliga ay rabaan.