Taliska Boliiska oo soo bandhigay Dukumiintiyo been abuur ah iyo qalabkii lagu farsameynayay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed & xeer ilaalinta Qaranka ayaa Maanta Magalada Muqdisho waxaa ay kusoo bandhigeen Dukumiintiyo Been Abuurka ah iyo Qalabka lagu Farsameeyo, kadib howlgal laga sameeyay Magalada Muqdisho.

Qalabkaan aya hay’adaha Amniga waxaa ay sheegeen in loo adeegsan jiray sameynta leysimada baabuurta oo been abuur ah iyo warqadaha Canshuuraha,waxaana lagu soo bandhigay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasiir kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Taliyaha hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha hogaganka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in sidoo kale Qalabkaan loo adeegsan jiray sameynta,Fiisooyinka, Warqadaha Caafimaadka ee Isbitaalada iyo Waxbarashada oo Shahaadooyin lagu sameyn jiray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa sheegay in hay’adaha Amniga ay ka gaabiyeen waxka qabashada dadka ku howlan farsameynta dukumiintiyada been abuurka ah iyo waxyaabo kale oo lidi ku ah amniga.

Waxa uu sheegay in waajib ay tahay in tallaabo cad laga qaado dadka sameynaya dukumiintiyada lana ciribtiro,waxana xusid mudan in hay’adaha Amniga aysan Maanta soo bandhigin dad lagu soo qabtay Dukumiintiyada been abuur ah iyo qalabkii lagu sameynayay.