Taliska Booliiska Beledweyne Oo baaq udiray Dowlada dhexe

Taliyaha Booliiska magalada Beledweyne oo suxufiyiinta kula hadlay saldhigga magaalada ayaa shaaca ka qaaday in ay heysato baahi dhinaca gaadiidka ah waxaana ay baaq u direen dowladda fedraalka Somalia.

Isaga oo ka hadlayay dhinaca amaanka ayuu sheegay in dhibaatada ugu badan ay la kulmaan marka ay dhacaan arrimo liddi ku ah amniga kolkaas oo uu tilmaamay in aysan heysan gaadiid ay  ku soo qabtaan dadka dembiilayaasha ah

Taliyaha booliiska magaalada Beledweyne ayaa tilmaamay in maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Hiiiraan ay horay u balan qaadeen in ay gaadiid siinayaan taliska booliiska ee magaalada Beledweyne.