Taliska Booliiska Goldogob oo Gacanta Ku Dhigay Eedeysane Dil U Geystay Xaaskiisa.

Ciidanka Booliiska degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Xasan Aadan, kaasi oo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisa, marxuumad Samsam Maxamed Xaashi, kadib muran qoys oo dhex maray labada lamaane.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in dhacdadu ka dhacday gudaha magaalada Goldogob, islamarkaana ciidamada booliiska ay si deg deg ah uga fal-celiyeen falkaasi naxdinta leh.

“Ciidanka Booliska gobolka Mudug, gaar ahaan Saldhigga Booliiska degmada Goldogob, ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Faarax Xasan Aadan oo ku eedeysan dilka marxuumad Samsam Maxamed Xaashi, oo ahayd xaaskiisa. Waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah ee Booliiska.

Eedeysanaha ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska degmada Goldogob, halkaas oo baaritaanno dheeraad ah ay ka socdaan, si loo xaqiijiyo xogaha la xiriira kiiskan.

Samsam Maxamed Xaashi, oo la dilay, ayaa ahayd hooyo u dhashay toddobo carruur ah, kuwaas oo hadda la filayo in daryeelkooda ay dowladda iyo qoyska marxuumadda si wadajir ah uga shaqeeyaan.