Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Sulub Axmed Firin oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii lasoo gabagabeeyay Imtixaanka Shahaadiga ah Dugsiga Sare (Fasalka 12aad) ee socday intii u dhaxeysay 22kii Juun ilaa 28ka Bishaan 2024.
Warbaahinta ayuu la wadaagay Doorka Ciidanka Booliiska ka qaateen ilaalinta nabadgalyada iyo waxyaabihii ay ka diiwaangeliyeen todobaadka ay wadeen howshaan mas’uuliyadda culus ka saarnayd Ciidamada ammaanka.
Janaraal Sulub ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ay gacanta ku dhigeen Dad isku dayay in ay ka gudbaan habraacyadii iyo nidaamkii loogu talagalay isla markaana ka dhex kalluumeystaan Hay’adaha Amniga & Wasaaradda Waxbarashada sida uu hadalka u dhigay.
Sulub ayaa tilmaamay in ay xireen Dad isku dayay in ay qish sameeyaan ama marin habaabinta kuwaas oo ku jira goobaha loogu talagalay in lagu sii hayo Dadka kahor inta aan loo gudbin Maxkamad waa sida uu yiri.
Hay’adaha Amniga oo door firfircoon ku lahaa Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa ilaalada iyo amni sugidda u qaabilsanaa 2,176 oo Askari kuwaas oo ka howlgalayay xarumaha loo asteeyay Imtixaankaan oo gaaraya 136 Xarumood guud ahaan.