Taliska Booliska oo ku dhawaaqay xayiraado amni iyo diyaar-garow doorasho

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay qorshe amni oo ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgalyada doorashooyinka dadweyne ee la filayo in ay ka qabsoomaan degmooyinka Gobolka Banaadir maalinta Khamiista ah, oo ku beegan 25-ka December 2025.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa kulan gaar ah isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee Booliska, isagoo faray in si buuxda loogu diyaar-garoobo sugidda amniga doorashada, isla markaana la xadido dhaqdhaqaaqa guud ee magaalada maalinta codbixinta.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku adkeeyay saraakiisha amniga in ay mudnaan gaar ah siiyaan badbaadada shacabka, si muwaadiniintu ugu codeeyaan si nabad ah, xor ah, uguna kalsooni badan.

Dhankiisa, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in taliska Booliska uu qorshe gaar ah u dejiyay xaaladaha deg-degga ah ee laga yaabo in ay soo wajahan bulshada, isagoo xusay in la diyaariyay gaadiid u gaar ah oo adeeg degdeg ah siin doona shacabka inta ay doorashadu socoto.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in uu ku jiro diyaar-garow amni oo heer sare ah, si loo sugo nabadgalyada doorashooyinkan taariikhiga ah oo la filayo in ay noqdaan kuwii ugu horreeyay ee noocan ah muddo ku dhow konton sano, taasoo fursad siin doonta muwaadiniinta Muqdisho in ay si toos ah u doortaan hoggaankooda.