Taliska CENTCOM oo Xaqiijiyey in laga dilay 6 Askari Mareykan ah

Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay howlgal milatari oo ka dhan ah Iiraan, sida uu shaaciyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee United States Central Command (CENTCOM).

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in dhimashada askartan ay timid kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay Sabtidii bilaabeen duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan, taasoo sii hurisay xiisadda colaadeed ee Bariga Dhexe.

Laba Askari oo Hore Loo Waayay oo Meydkooda La Helay

CENTCOM ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamada Mareykanka ay dib u soo heleen maydadka laba askari oo hore loo waayay, kuwaas oo ku sugnaa xarun lagu beegsaday weerarradii ugu horreeyay ee Iiraan ka fulisay gobolka.

Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka dib-u-raadinta iyo xaqiijinta xogta ayaa socday maalmo kahor inta aan la shaacin tirada rasmiga ah ee dhimashada.

Dagaallada oo Weli Socda

Taliska ayaa cadeeyay in “howlgallada dagaalka ee waaweyn ay wali socdaan,” taasoo muujinaysa in xaaladdu aanay degin isla markaana ay jiri karto khasaaro dheeraad ah mustaqbalka dhow.

Magacyada askarta dhimatay lama shaacin, iyadoo talisku sheegay in la sugi doono ugu yaraan 24 saac kadib marka ehelladooda si rasmi ah loo ogeysiiyo.

Xiisadda Gobolka oo Sii Kordheysa

Dhimashada askartan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada iyo is-weydaarsiga gantaallada ee u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, halka Mareykankuna si toos ah uga qeyb qaadanayo duqeymaha militari.

Falanqeeyayaal amni ayaa sheegaya in dhacdadan ay sare u qaadi karto khatarta ballaarinta dagaalka, gaar ahaan haddii weerarro kale oo aargoosi ah ay dhacaan.

Xaaladda Bariga Dhexe ayaa haatan mareysa heer aad u xasaasi ah, iyadoo indhaha caalamka ay ku jeedaan tallaabooyinka xiga ee dhinacyada ku lugta leh colaadda.