Taliska Ciidamada qeybta 60-aad oo ku dhawaaqay feejignaan dhinaca Amniga ah

Taliyaha  Qeybta 60aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow ) ayaa Maanta  dib ugu laabtey Magaalada Baydhabo Xili safaro  shaqo ugu Maqnaa Magaalooyinka  Muqdisho Iyo Baraawe.

Intii uu ku sugnaa degmada Baraawe ayaa waxaa uu taliyaha kulamo la qaatay  Saraakiisha  guutada 6aad  ee qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka  iyo kuwa AMISOM ee fa dhigooda yahay Baraawe ,Waxana ay ka wada Hadleen sidii loo xoojin lahaa wadaqa shaqeynta loona dar-dar gelinlahaa Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 60aad Gen Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow ) oo Warbaahinta kula hadlay Baydhabo ayaa Ciidanka farey  inay xoojiyaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabab  loogana baahan yahay in Ciidamada feejignaan dheeri ah muujiyaan.