Home Wararka Maanta Taliska Ciidamada Xooga Oo digniin Udiray Oday dhaqameedk Ay Alshabaab uyeeren

Taliska Ciidamada Xooga Oo digniin Udiray Oday dhaqameedk Ay Alshabaab uyeeren

Taliska  Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 60aad ayaa soo saaray digniin ku socota qaar ka mid ah Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka tas oo ku saabsan inaysan u hogagansami Karin Amarkii dhawaan kasoo yeeray Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 60aad Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Timacadde) ayaa  sheegay in qof alaala qofkii qaata amarka Al-Shabaab ee aada deegaanka Buula Fuuley oo ay ugu yeereen in uusan kusoo laban Karin deegaanada Koonfur galbeed oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Ergadii fulisa Amarka Al-Shabaab ee tagta deegaannadii looga yeeray uu yahay dambiile,isla markaana Shaciga la horgeyn doono, isaga oo ergada uga digay inay la macaamilaan Al-Shabaab.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 6aad ayaa kusoo aadaya xilli Al-Shabaab War kasoo baxay ay ku sheegeen in ergdii ugu badneyd ay qaateen amarkooda,isla markaana ay tageen deegaanada ay maamulaan.