Taliska Ciidamada Xooga Oo Ku dhawaaaqay Dagaal kadhan Ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal Ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee howlgalkaan ay tahay in ay gacanta ku dhiggaan degmooyinka ay maamulaan Al-Shabaab ee ku yaalla gobolada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay furi doonaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in dhammaan Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay dhowr jeer ugu dhawaaqay howlgallo Al-Shabaab looga saarayo gobolada dalka, mana jirto ilaa iyo hadda tilaabo ay qaadeen oo dhaqangashay.