Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta dalka dibadiisa tababar ugu diray in ka badan.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta Xaflad Sakootin ah ugu sameeyaya Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadayo aqoon kororsi ku aadau sara uqaadida Xirfadaha Boliiska,
Saraakiishan iyo Kormeerayaashan oo ay Tiradooda garayaan in kabadan Boqol ayaa u amabaxayay wadamada kala ah Yurub.Afriika iyo asia waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee laxiriira Boliiska.
S/Guuto Sulub axmed Firin oo lahadalay Saraakiishan iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daaray in ay ka faa iideystaan xirfadaha wadamada ay u amba baxayaan sidookalana uga faa iideeyaan xirfadaha ay Horay u barteen,
Mudooyinkii dambe Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sulub axmed Firin ayaa waday Dadaalo kor loogu qaadayo Xirfadaha Boliiska Soomaaliyeed waxa uuna ugu amabaxay wadamo badan oo uu kala haday sidii iskaashi Ciidanloo wada abuurilahaa,