Taliska Ciidanka Xooga Dalka Oo Sheegay In Ay Dagaal Ku Dileyn Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyeen hawlgal shalay ciidanka xoogga ay kula wareegeen buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ururka 58-aad ee Guutada 11-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Cali ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanka xoogga hawlgalkaasi ay ku dileen ilaa 7 dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, islamarkaasina ay ku furteen hubkii ay wateeen Shabaabka.

Sidoo kale Gaashaanle Dhexe Cabdi Ibraahim Cali ayaa sheegay in halgalkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka mid ah Ajaanibta Al-shabaa, heestana dhalashada wadanka Tanzania, isagoona ka mid ahaa saraakiisha ugu sareeya Al-shabaab ee u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Ciidanka xoogga ayaa intii ay ku guda jireen hawlgalka ay Shabaab kala wareegeen buundada Araare waxaa u suuragashay in ay nolosha ku qabtaan laba dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab, sida saraakiil ammaanka qaabilsan ay inoo sheegeen.

Buundada Araare ayaa 7-KM u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose, ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah Al-shabaab.