Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa soo saaray digniin culus oo ka dhan ah isticmaalka sharci-darrada ah ee calaamadaha, astaamaha, iyo darajooyinka ciidanka. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in cid kasta oo lagu helo iyadoo adeegsanaysa agabka gaarka u ah CXDS ay la kulmi doonto tallaabo adag oo sharci ah.
Taliska ayaa si gaar ah uga digay isticmaalka dareeska ciidanka, darajooyinka, iyo calaamadaha kale ee CXDS, iyagoo sidoo kale digniin u diray ganacsatada garaashyada, kuwaas oo laga mamnuucay in ay midabeeyaan, dayactiraan ama adeegyo kale siiyaan gaadiidka ciidanka.
Ugu dambeyn, taliska ayaa bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya sumcadda iyo astaanaha ciidanka, isla markaana ay u hoggaansamaan sharciga.