Taliska G/mudug Oo Kahadlay Odoyaashii Shabaab iska diiwan-geliyay

Dhawaan Al-Shabaab ayaa u yeeray Odayaashii soo xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Maamul goboleedyada,waxaana jira Odayaal qaatay amarka Al-Shabaab oo ay soo bandhigeen,iyada oo  Maamulada qaar iyo dowladda Soomaaliya oo sheegeen in Odayaashaas ay tallaabo ka qaadayaan.

Deegaannada Maamulka Galmudug ayaa ka mid ah deegaannada ay ka tageen Odayaashaas,waxaana Hay’adaha amniga Maamulkaas ay soo bandhigeen tallaabada ay ka qaadayaan Odoyaashii Al-Shabaab iska diiwan-geliyay.

Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Odayaashaas ay tahay mid fuleynimo ah,isla markaana Odayaashii u tegay Al-Shabaab ay iyaga ka mid yihiin.

Sidoo kale waxaa uu uga digay Odayaasha ku nool deegaannada Galmudug inay qaataan ammarada Al-Shabaab,isla markaana ciddii qaadatada ay tallaabada ka qaadaan sidoo kalena aysan kusoo laaban Karin deegaannada Galmudug.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa ay soo bandigeen Odayaal ay sheegeen inay diiwaan geliyaan, kuwaas oo ka kala tegay deegaannada Galmudug iyo Hir-Shabeelle, isla markaana hadda wixii ka dambeeya aysan waxyeeleyn doonin waa sida ay hadalka u dhigeen.