Taliska Hawlgalka ATMIS oo soo gabagabeeyay Wejiga Koowaad Dhimista Ciidamadda ka jooga Soomaaliya

Ciidamaddaa Hawlgalka Midowga Afrika  Soomaaliya ee (ATMIS) ayaa soo gabagebeeyey wejigii koowaad ee dhimista ciidamadooda ku sugan Soomaaliya  kadib markii ay wareejiyeen labadii saldhig ee ugu dambeeyay .

Taliska Howlgalka Midowgaa Afika ee Soomaaliya ATMIS ayaa sheegay tallaabadan ay u qaadeen, si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Ilaa 7 Saldhig o ay ku sugnaayeen Ciidamadda Hawlgalka  Midowga Afrika Soomaaliya ee ATMIS  ayay ka bexeen , waxana ka mid ah Cadale, Miirtaqwe ,  Xaaji Cali iyo Marka Waxana saldhigyada ay ku laahaayeen Atmis degaanadaas ay ku warejiyeen Ciidamada Militariga Soomaaliya .

Sidoo kale Ciidamada Hawlgalka ATMIS ayaa wareejiyay Saldhigyo ku yaala gobolka Jubada Hoose oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Kenyaan ah waxaana Saldhigyadaasi la wareegay Ciidamada Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dawlada Goboleedka Jubland.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa dhawaan  muddo lix bilood ah dib u dhigay bixitaanka 2000 askari oo katirsan ciidanka ATMIS iyadoo Goluhu  uu sheegay in la qiimaynayo Xaalada  Amniga Soomaaliya iyo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegi karaan masuuliyadda Amniga guudee Soomaaliya.