Taliska howlgalka AMISOM Oo Shaaciyay Waqtiga Ciidamada AMISOM ka guurayaan Kulliyadda Jaalle Siyaad

War kasoo baxay Taliska howlgalka AMISOM ayaa lagu shaaciyay in AMISOM ay soo geba-gabeysay dayactir lagu sameynayay Kulliyadda Jaalle Siyaad oo Xarun u ah Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo ku howlgalla Magaca AMISOM.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ayaa waxa uu  sheegay in ciidamada AMISOM dabayaaqada Bishan Feberaayo ka guuri doonaan Kulliyadda Jaalle Siyaad,isla markaana ay ku wareejin doonaan ciidamada DFS.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qorshaha AMISOM uga guurayaan Kulliyadda Jaalle Siyaad uu qeyb ka yahay qorshaha kala guurka ee howlgalka AMISOM ay ammaanka dalka ugu wareejinayaan ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.

Kulliyada Jaale Siyaad oo ku taalla Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa Ciidamada Burundi oo ka mid ah AMISOM ay degan yihiin laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii waxaana ay ka mid tahay Xarumaha ugu weyn  ee Ciidamada AMISOM ka degan yihiin Magalada Muqdisho.