Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo wax laga weydiiyay Howlgalkooda Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM General Thomas Waldhauser ayaa xubnaha Guddiga Ciidamada ee Aqalka Wakiilada uga jawaabay su’aalooyin dhowr ah oo ku saabsanaa guud ahaan Howlgalka AFRICOM ee qaaradda Afrika.

Gen Thomas ayaa waxa uu sheegay Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya in uu qeyb ka yahay dadaalada caalamiga ah ee lagu caawinayo Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed ay u dhameystirtaan dhismaha Ciidanka Qaranka.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin Soomaaliya iyo Gobolka, isaga oo tusaale u soo qaatay qaraxii 14-kii October sanadkii hore ka dhacay isgoyska Zoobe , kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux.

“Ma dhahayo qatar way dhamaatay laakiin inaga oo ku saleyneyna qaar ka mid ah howlaha aan qabanay oo ay barbar socdaan wada shaqeynta saaxiibadeena kale ee caalamka ayaan waxa aan dhihi karnaa taasi waxa ay sabatay in Shabaab ay maamulaan dhul yar, 14-kii October waxaa jiray qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho, kadib waxa ay maqnaayeen Afar bil hadana dhamaadkii February Muqdisho ayay qarax ka geysteen, weli kooxdan si buuxda loogama guuleysan, laakiin waxa aan rabno hada ayaa ah in Ciidamada qalabka ay sida ay maareeyaan sifeynta kooxdan.

Ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Afrika gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka taageera Ciidamada Dowladda Federaalka dhinacyada tababarka iyo Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mareykanka, ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay ka gaysanyaan Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo dilay Saraakiil badan oo Shabaab ka tirsan.