Taliska Mareykanka iyo kan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah yeeshay kadib fadeexada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliska Mareykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell iyo kan xoogga dalka ayaa kulankaan diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sidoo kale wuxuu saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan howl-gallada gaarka ah kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta, isaga oo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howl-galka.

Kulankan ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay banaanka usoo baxday fadeexada musuq-maasuq ee ciidanka Danab, ayada oo suuqyada waaweyn ee magaalada lagu kala iibsaday raashinkii ciidamada kumaandooska Danab, taasi oo keentay in Mareykanka uu jarto kaalmada raashin ee uu siin jiray ciidankan.

Mareykanka ayaa markaas sheegay inuu dib u qiimeyn doono xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexadda musuq-maasuq ee kusoo baxday.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.