Taliska Qaybta 21 Oo Ciidamo udiraya Deegaanka Kaxandhaale

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Ciidamo Millateri ah u diray deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalamayaan.

Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in iyaga oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jahmhuuriyada Fadareelka Soomaaliya iyo amarka Taliyaha Xoogga  ay Kaxandhaale u direen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida si dagaalka u joojiyaan.

Ciidamada ayaa kala dhex geli doona labada maleeshiyo beeleed,isla markaana sidoo kale ay barbar socdaan waan waan lagu doonayo in lagu kala qaado labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya.

Sidoo kale saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas ayaa wax ay sheegeen in marnaba aysan u dul qaadan doonin sii socoshada dagaalkaas,isla mrkaana ay gacanta kusoo dhigi doonaan cidkasta oo dil geysata ama dagaalka bilaawda.

Dhawaan dagaalkii ka dhacay deegaanka  Kaxandhaale ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhaw 20 qof halka halka ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen.