Taliyaal Ciidan oo la magacaabay

 

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa goor dhaw waxa ay magacaabeen Taliyeyaasha Ciidamada Nabad Suggida Somaliya, Booliska iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed.

Wasiirka amniga iyo Wasiirka Cadaaladda ayaa Shirka gaarka ah ee Golaha Wasiirada Somaliya waxa ay ka soo jeediyeen magacaabistaan xubnahan, iyadoo Golaha Wasiirada ay isku raaceen.

Taliyaha NISA waxaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliya.

Taliyaha Boolisk Somaliya ayaa waxaa loo magacaabay Generaal Bashiir Axmed Maxamed.

Taliyaha Asluubta Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa loo magacaabay.

Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya ayaa meelmariyay magacaabista Xubnahan cusub ee noqday Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Asluubta iyo Nabad Suggida Somaliya.