Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlay amniga guud iyo difaaca dalka, maadaama ay soo korortay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulankan oo si gaar ah u dhexmaray taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa lagu gorfeeyay xaaladaha soo kordhay.
Saddexda taliye ayaa si gaar ah kulankooda diiradda ugu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa difaaca dalka, waxayna go’aamiyeen in laga hortago damaca Itoobiya ee badda.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimo ku aadan howlgallada ka socda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxd Al-Shabaab.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan xiisad xoogan ay kala dhexeysaa Itoobiya, taas oo laga cabsi qabo inay isku rogto dagaal, maadaama ay arrintu faraha kasii baxeyso, xadgduubna ay gaysatay Itoobiya kadib heshiiskii bada ee ay dhowaan la gashay maamulka Somaliland.